Shabakada somalikudhan.com, shabakad madaxbaanan ku saleysan cadaalad.

Xeebta Xarardheere oo maanta
uu ku soo xirtey Markab laga soo afduubtey xeebaha Gobolka J/hoose ee
Dalka Somaliya.

War kul dhow naga soo
gaarey magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa waxa uu sheegayaa in uu
kul dhow soogaarey Xeebta Xarardheere Markab laga soo afduubtey Xeebaha
xuduuda ee Dalka Somaliya iyo Kenya ee Gobolka J/hoose.

Warka ayaa sheegaya in
Markabkaan ay wataan Kooxihii soo afduubtey iyaga oo markaasi ku soo xirey
meel wax yar u jirta Xeebta Xarardheere.

Warku wali nooma
xaqiijin dalka laga leeyahay iyo in uu markabkaan yahay mid ganacsi ama
Kaluumeysi.

Xeebaha Xarardheere
ayaa waxa ay noqodeen goobaha ugu daran ee laga geeyo Maraakiibta la
afduubto.

Mar
aan wax ka weydiiney wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaadiidka Badda iyo
Dekadaha Dowalada Federaalka  Xirsi Aden Rooble oo ku sugan magaalada Nairobi waxa u kala
socdo ayuu inoo xaqiijiyey in aanu iminka wax tafaasiil ah ka bixin Karin
cida leh iyo Shirkada uu ku kireeysanyahay toone waxaana uu intaaas ku
darey in uu jiro Markabkaas gaarey Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ee
Dalka Somaliya

Ismail
Warsame Ali

Somalikudhan.com

[email protected]

Kunoqo bogii hore

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *