Isku-aadka isreeb-reebka qaramada yurub oo la sameeyay

Isreeb-reebka koobka qaramada Yurub ee sanadka 2016-ka ayaa maanta lagu sameeyay magaalada Niece ee dalka France.

Isku-aadka ayaa waxaa ka qeyb-geli doona 53 dal, iyadoo xulka France oo marti-geliye noqon doona uu si bilaash u ciyaari doono isreeb-reebka.

Koobka qaramada Yurub ayaa ka dhici doona dalka France sanadka 2016-ka, waxaana markii ugu horreysay ka qeyb-geli doona 24 dal markii laga badiyay 16-kii dal ee horey uga qeyb-qaadan jiray.

Isreeb-reebka ayaa billaaban doona bisha September ee sanadkan.

Isku-aadka oo buuxa:

Group A: Netherlands, Czech Republic, Turkey, Latvia, Iceland, Kazakhstan.

Group B: Bosnia-Hercegovina, Belgium, Israel, Wales, Cyprus, Andorra.

Group C: Spain, Ukraine, Slovakia, Belarus, FYR Macedonia, Luxembourg.

Group D: Germany, Republic of Ireland, Poland, Scotland, Georgia, Gibraltar.

Group E: England, Switzerland, Slovenia, Estonia, Lithuania, San Marino.

Group F: Greece, Hungary, Romania, Finland, Northern Ireland, Faroe Islands.

Group G: Russia, Sweden, Austria, Montenegro, Moldova, Liechtenstein.

Group H: Italy, Croatia, Norway, Bulgaria, Azerbaijan, Malta.

Group I: Portugal, Denmark, Serbia, Armenia, Albania. Xulka France ayaa qeybta I lagu daray isagoo ciyaari doona isreeb-reeb aan dhibcahooda la xisaabin doonin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *