Cartoons | ccd somali youth

Madaxda maanta ee Dowladda Federaalka oo xilligooda gabaabsiga yahay, bulshada Soomaaliyeed wax abaal ah ma gashan mudadii ay dalka maamulayeen, iyagoona aan waxba ka qaban meelihii waxqabadka u baahnaa. Daawo Cartoons badan

Waxaa soo kordhaya booqashadii Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya uu ku tegay dalka Kenya, iyadoo warar soo baxaya ay sheegayaan in heshiis hoose dhex maray Ra’iisal Wasaare Sharmaarke iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, kaasi oo ku saabsan heshiis rasmi ah oo labada dhinac ay ka gaareen muranka Badda. Daawo Cartoons badan

Qaraxyada shalay ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotelka Saxafi lala eegtay, waxaa sheegatay kooxda Al-Shabaab oo caadiyan qaraxyada iyo gumaadka shacabka Soomaaliyeed ku faana oo sheegta inay iyagu ka dambeeyeen. Weerarkii maanta ayay ku sheegeen inay ku dileen kooxo ay ku sheegtay inay Gaalo u adeegayeen balse ahaa Xildhibaano, Ganacsato, saraakiil iyo dad rayid […]

Golaha Baarlamaanka waxaa soo maray mooshinkii ugu cuslaa tan iyo markii la asaasay, kaddib laba Ra’iisal Wasaare oo uu xilka ka qaaday. Mooshinka 93-ka Mudane ay gacanta ka saareen Guddoomiye Jawaari ayaa noqday mid culeyskiisa aad ka aragtaan sawir gacmeedka, isagoo oday Jawaari haatan ka fiirsanaya sidii laga yeeli lahaa mooshinkaasi. Madaxweyne Xasan Sheekh oo […]

Dhaqan xumada Soomaalida ku soo korortay 20-kii sano ee la soo dhaafay ayaa sanadba sanadka ka dambeeya sii ballaaraneysa, bal sida ka muuqata Cartoons-kaan ninkii garta lahaa ayaa ku doodaya in gurigiisa guryo laga kor dhistay, tiiyoo ninkii arrintaasi sameeyayna uu ku andacoonayo inuu gurigiisa uga baxay oo uu iminka dhistay guryo cusub. Daawo Cartoons […]

Madaxda siyaasadda dalka Soomaaliya waxaa u bilaabatay tartanka hoggaaminta awooda, iyadoo ay ciyaarayaan kooxaha dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada dalka. Kooxda Dowladda Federaalka ayaa hadda qarka u saaran inay ku guuleysato tartanka ka socda gobolada dhexe, kaddib markii ay rigoorayaal uga badisay kooxda Ahlu Sunna oo gool ku laadkii ay tuuratay dowladda ku tilmaamay mid […]

Dowlad goboleedka Puntland ayaa kahorjeestay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari), halka farriin adag loogu diray ergeyga Q/Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay. Puntland ayaa ku eedeysay madaxda sare ee Dowladda Federaalka inay gobolada dhexe ka dhisayaan maamul lagu kala qeybinayo gobolka Mudug oo qeyb ka mid ah ay taliso […]

Horjoogayaasha kooxda Al-Shabaab ayaa qaati ka taagan sidii ay masixi lahaayeen magaca ururka Al-Shabaab oo noqday magac cambaar leh oo qofkii lagu xiriiriyo cirka iyo dhulka la yaraanayo, meel ay gabbaad ka dhigatana weyneyso.   Daawo Cartoons badan

Mar 6 2015 | Posted in cartoons,News | Read More »

    Ururka Al-Shabaab oo qaraxyada is miidaaminta ah ku soo ururay ayaa si weyn u khilaafsan ku dhaqanka shareecada Islaamka oo ah mid nabadeed isla markaana aan ku imaanin is qarxin, cabsi gelin iyo hanjabaadda ay adeegsanayaan maleeshiyaadka u dagaalama inay dalkaan ku qabsadaan qaraxyo iyo xoog, taasi oo aan marnaba u suurto galeynin. […]

  Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa weli cadaadinaya Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid, si uu Golaha Wasiirada ugu daro xubnaha dhinaciisa ugu muhiimsan, taasi oo sabab u ahayd inay dhacdo Dowladdii Ra’iisal Wasaare C/Weli Sheekh Axmed uu ka xanaaqay Madaxweynaha markii uu isku shaandheyn sameeyay, Faarax C/qaadirna ka bedelay wasaaradii loo magacaabay markii hore.   Daawo […]

Jan 21 2015 | Posted in cartoons,News | Read More »

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *